Qofka u soo guuray Iswidhan oo ka soo guuray waddan ka baxsan EU- ama eeriyada EES, ama hadaad tahay bilaa waddan, oo qorshahaagu uu yahay inaad degnaatid sanad ama kabadan waa in inta badan la diwaan gashanyahay. Si laguu diwaan geliyo waa in aad Iswidhan ku leedahay sharci deggenaansho oo ugu yaraan jirey muddo sanad ah.
Bulshada waxaa muhiim u ah in diwaangelintu wafaaqsantahay runta madaama diwaangelintu ay saldhig u tahay qorshaynta guryahay, skoolaadka, xanaanada iyo daryeelka. Waa in aad ku diwaangashantahay guriga aad degantahay. Haddii aad guurtid waa in aad wargelisid Hey´adda cashuuraha ciwaankaaga cusub.
Qof ka mid ah qoyska haduu ka yimid wadan ka baxsan EU ama EES
Qoyska dadka ka midka ah oo kula soo guuraya oo muwadiniin ka ah wadan ka baxsan EU- ama eeriyada EES waxay u baahanyahiin inay haystaan sharci deggenaansho.
Filimkaan anaga waxaan iskugu soo aroorinay warbixino muhiim ah oo quseeyo adiga oo u soo guuri Iswiidhan.
Si laguu diwaangeliyo waa inaad wargelin sameeysid oo ku saabsan inaad u soo guraysid Iswidhan. Diwaangelinta haddaad samaynaysid waa inaan booqato xafiisyada addega ee Hey´adda caymiska. Markaad imanaysid xafiiska addega waa in ay kula socdan qoyska soo guuray oo dhan, xataa caruurta. Markay Hey´adda caymiska idin diwaan geliso waxaay guriga idiinku soo dirayaan warqad oo ay ku qorantahay lambarada dhalashada.
Hadii aad ku leedahay sharci deggenaansho wadan kale oo ku yaala EU ama EES waxaad u baahantahay inaad dalbato ogolaansho deegaan oo iswiidhish ah oo aad ka dalbatid Hey´adda socdaalka.
Haddii aanad lahayn sharci deggenaansho waxaad la xidhiidha hey´adda socdalalka si ay kuu siiso warbixin ku saabsan sida loo dalbado sharci deggenaansho Iswidhan.
Qofkii u soo guuraya Iswidhan wuxuu u baahanyahay inuu soo qaato warqadahan markaad booqanaysid xafiiska adeega:
Baasaboor.
Kaadhka sharciga ee Iswidhan.
Waraaqo cadaynaya meeqaanka qofka, sida warqada meherka.
Hadaanad guursan uma baahnid inaad cadeysid meeqanka qofka.
Xaaladahan kala duwan ee meeqaanka qofka:
Warqad cadaynaysa goobta aad ku dhalatay, hadaad caruur leedahay.
Macluumaad ku saabsan goobtaad degantahay. Soo qaado warqad ay ku qorantahay:
Markii ilmo ka yar 18 sano u soo guurayo Iswidhan waxaa loo baahanyahay qof walba oo masuul ka ah ilmaha inay isla sameeyan dalbasho ku saabsan guuritaanka. Hadii uu qofka masuulka ah uu deganyahy debedda waa inuu isagu ama iyadu soo gudbiyaan oglaansho qoraal ah oo ku saabsan guuritaanka Iswidhan. Caruurta buuxiyey 16 sano way samayn karaan dalbashada uma baahnaa dadka masuulka ka ah inay sameeyaan dalbasho qoraaleed.
Ka feker inaad u baahantahay inaad soo qaadato waraaqaha oo dhan oo rasmi ah oo cadaynaya meeqanka qofka ama xaaladaa.
Hadii aad ku haysatid baasaboorkaaga ama waraaqahaaga kale Hey´adda socdaalka waa in aad weydiisatid inay kuu soo celiyaan, ama ka soo qaado koobi caddayn leh.
Caddayn leh waxaa laga wadaa in u qof cadaynayo in koobiga iyo warqaaha rasmiga ah inay is waafaqsanyihiin. Qofka waa in uu koobiga saxeexo, kuna qoro magaciisa oo sadexan iyo waa inuu qoro lambarka telefoonka. Hey´adda socdaalka ayaa kaa caawinaysa caddeynta koobiga.
Hadii uu baasaboorkaagu leeyahay calaamad ogolaansho
Calaamada ogolaanshaha oo ku dhegnayd baasaboorka o cadayn u ahayd sharci degenaansho ee Iswidhan waxaa la joojiyey 20 meey 2015. Qofkii ku haysta baasaboorka calaamad ogolaansho waa inuu balan ka samaysto Hey´adda socdaalka si uu calaamada ugu bedesho kaadh ogolaansho.
Laga bilaabo 20 meey 2015 uma dhoofi kartid ama kama dhoofi kartid wadamada laisku yidhaahdo Shengenka adigoo aan haysan kaadhka ogolaanshaha.
Hadii aad haysatid aqoonsi sax ah (sida baasaboor) ama sharciga deggenaansho ee Iswidhan oo sah ax, waxaad dalban kartaa kaadhka aqoonsiga waxaana aad ka dalban kartaa Hey´adda caymiska xafiisyadeeda oo sameeya kaadhaadka aqoonsiga. Kaadhadhka aqoonsiga oo ay Hey´adda caymisku sameyso waa aqoonsi laga ogolyahay Iswidhan dhexdeeda. Kaadhka aqoonsiga waxaad u isticmaalaysaa si aad u cadaysid da´daada iyo si laguu aqoonsado tusaale ahaan markaad tegeysid farmasiga, bangiga ama dukaanada. Inaad haysatid kadhka aqoonsiga wuxuu kuu fududaynaya inaad bulshada dhex gashid. Akhri shuruudaha si aad u oogaatid sida loo dalbado kaadhka aqoonsiga ka hor intaanad tegin xafiisyada sameeya kaadhka aqoonsiga: