Waxaad tahay muwaadin ka baxsan waddamada EU/EEA ama waxaa tahay qof aan waddan lahayn
Qofka u soo guuray Iswiidhan oo qorshaynaya inuu halkan ku noolaado ugu yaraan hal sano waa in inta badan halkan laga diiwaangeliyo.
Muwaadin u dhashay waddamada ka baxsan EU/EEA ama sida qof aan waddan lahayn, waxaad u baahan tahay inaad tusto kaarka sharciga daganaanshaha oo shaqaynaya marka aad soo wargelinayso u soo guuritaanka Iswiidhan.
Hey'adda canshuuraha ayaa go'aamineysa inaad buuxisay shuruudaha lagugu diiwaangelinayo. In lagugu diwaangaliyo diiwaanka dadweynaha macneheedu waxay tahay waxa ka diiwaangashan tahay inaad deggan tahay Iswiidhan. Xogta shakhsi ahaaneed ee aanu diiwaangelinayno waa, tusaale ahaan, ciwaankaaga, taariikhda dhalashada, magacaaga iyo xaaladaada guur. Marka ugu horeysa ee Iswiidhan lagaa diiwaangeliyo waxaad sidoo kale heli doontaa in laguu sameeyo toban lamabr (personnummer).
Haddii aanad haysan sharciga deggenaansho ah, laakiin aad tahay xubin ka mid ah qoys haysta dhashaada waddan ka mid ah waddamada EU/EES oo sharci deggenaansho ah ka haysta Iswiidhan gudaheeda, waxaad ka akhrisan kartaa boggan websaydka waxa adiga khuseeya halkan.
Sidan ayaad uga warbixinaysaa markaad Iswiidhan u soo guurayso
Isticmaal adeega u soo guuraya Iswiidhan (Flytta till Sverige) si aad u soo wargeliso codsigaaga.
Adeeggu wuxuu ku qoran yahay luqaddaja ingiriiska, carabiga iyo iswidhishka. Waxa kale oo aad ka heli kartaa caawimo xafiiska adeegga (ett servicekontor).
Isticmaal adeeggayaga elektaroonigga
Ballan u qabso si aad u hubiso aqoonsiga
Adiga iyo xubnaha qoyskaaga ee kula soo guurayaa waa inaad si shakhsi ahaan ah u booqataan xafiiska adeegga si loo xaqiijiyo aqoonsigiina markaad u soo guurtaan Iswiidhan.
Waa in aad ballan ka qabsato hubinta aqoonsiga xafiisyada adeegga ee sida gaarka ah loo doortay.
Markaa waxaad sidoo kale isla wakhtigaa u geyn kartaa codsigaaga guuritaanka haddii aanad hore ugu dirin si dhijitaal ah.
- Ballan u qabso u soo guurista Iswiidhan iyo lambarka xiriirinta (samordningsnumme) (Xarunta adeegga ee dawladda) (adeegga elektaroonigga ahi wuxuu ku qoran yahay luqadda iswiidhish iyo ingiriiska)
- Halkan waxaa ah xafiisyadayada adeegga (macluumaad ku qoran luqadda iswiidhishka)
Waxaad u baahan tahay inaad tan keento markaad diiwaangelinayso guuritaankaaga
Waxa aad u baahan tahay inay la socoto guuritaankaaga,
- inaad tusto aqoonsigaaga
- inaad tusto kaarka sharciga daganaanshaha ee iswiidhishka
- inaad tusto ujeeddada aad u deggeyso Iswiidhan
- inaad tuso meesha aad deggan tahay
- inaad tusto sida xiriirka qoyskaagu u egyahay ama uu yahay.
Inaad tusto aqoonsigaaga
Markaad soo booqato xafiiska adeega, waxaanu xaqiijin doonaa aqoonsigaga. Sidaa darteed, marka lagaa codsado, waa inaad dhiibtaa baasaboorkaaga, dukumeentiga safarka ama dukumeenti kale oo aqoonsi ah si loo xaqiijiyo aqoonsiga.
Marka la hubinayo aqoonsiga, qofka arrinta gacanta ku haya ee xafiiska fadhiya ayaa kaantarooli doona oo xaaladaha qaarkoodna ka qaadan doona nuqullo dukumeentiyada. Dib ayaa laguugu soo celi doontaa dukumeentigaaga aqoonsiga marka la kaantaroolo ka dib.
Waa inaad tusto kaarka sharciga deggenaanshaha ee iswiidhan
Waa in aad tusto in aad haysato kaarka sharciga deggenaanshaha oo sax ah kaas oo ay bixisay Hey'adda laanta socdaalka.
Waa inaad kaarka sharciga deggenaanshaha ku wareejisaa qofka arrinta gacanta ku haya ee xafiiska fadhiya kaas oo hubinaya mararka qaarkoodna ka qaadan doona nuqullo/koobiyo dukumeentiyada. Dib ayaa laguugu soo celi doontaa kaarka sharciga deggenaanshaha marka la kaantaroolo ka dib.
Haddii aanad haysan sharci deggenaanshaha, waxaad la xidhiidhi kartaa Hey'adda laanta socdaalka si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo codsado sharciga deggenaanshaha iswiidhishka.
Haddii aad haysato sharciga deggenaanshaha ee waddamada EU ama EEA, waxaad u baahan tahay inaad ka codsato sharciga deggenaanshaha ee iswiidhishka oo aad codsato Hey'adda laanta socdaalka.
Inaad tusto ujeeddada aad u deggeyso Iswiidhan
Noo sheeg ujeeddada joogitaankaaga Iswiidhan. Waxaad tusaale ahaan tusi kartaa
- Go'aanka adiga ama xubnaha qoyskaaga laga gaaray ee ku saabsan sharciga deggenaanshaha ee ka soo baxay Hey'adda laanta socdaalka
- heshiiska shaqada ee adiga ama xubnaha qoyskaaga
- warqadd caddayn waxbarasho ee adiga ama xubnaha qoyskaaga.
Waxa kale oo aad keeni kartaa macluumaad kale oo muujinaya in aad waddanka Iswiidan joogi doonto ugu yaraan hal sano.
Inaad tusto meesha aad ku deggan tahay
Waa inaad sheegtaa
- ciwaan dhammaystiran oo ah meesha aad deggan tahay ee aad seexanayso
- lambarka guriga haddii uu jiro. Lambarku wuxuu ka kooban yahay afar lambar waxaana badanaa uu ku qoran yahay warqadda heshiiska kiradaada ama jaranjaradaada
- magaca qofka aad la deggan tahay, haddii aad qof kale la deggan tahay.
Hubi in magacaagu ku yaalo albaabka ama sanduuqa boostada ee albaabka laga soo galo. Tani waxay khusaysaa iyada oo aan loo eegayn qaabka aad u deggan tahay.
Markaad leedahay hoy ku meelgaar ah
Markaad leedahay hoy ku meelgaar ah
Haddii aad deggan tahay, tusaale ahaan, huteel ama guryaha lagu habeen dhaxo, waa inaad ku sheegtaa ciwaanka guuritaankaaga.
Haddii aad u guurto meel kale inta aan lagaa diiwaangelin diiwaanka dadweynaha ka hor oo aad helsho tobankaaga lambar (personnummer), waa inaad soo sheegtaa ciwaankaaga cusub iyo taariikhda aad halkaa deggeyso.
Waxa aad arrintaa samaynaysaa adiga oo la xidhiidha Xafiiska macluumaadka cashuuraha ama booqo xafiiska adeegga.
Tus sida xiriirka qoyskaagu u egyahay - adiga ayaa guuraya
Marka aad adigu guurrayso ama marka qoyskaagu u soo guurayo Iswiidhan wakhti danbe, Hey'adda cashuuruhu waxay u baahan tahay inay xaaladdaada meeqaankaaga guurka ay ku diwaangeliso diiwaanka dadweynaha.
- Haddii aad hadda xaas tshsy ama aad doo ahaan jirtay, waa inaad caddaymahooda tustaa. Waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, warqadda nikaaxa, oo laga soosaaray diiwaanka guurka, go'aan furiin maxkamadeed, warqadda caddaynta dhimashada ama buugga qoyska.
- Haddii aanad weligaa guursan, uma baahnid inaad wax keento ama muujiso.
Haddii aanad haysan dukumeentiyadan, waxaa laga yaabaa inay ku habboon tahay inay Hey'adda canshuuruhu aragto go'aankaaga ku saabsan sharciga oggolaanshaha ee ka soo baxay Hey'adda laanta socdaalka, ama dukumeenti kale oo muujinaya xaaladdaada guurka.
Macluumaad ku saabsan waxa khuseeya marka xubnaha qoyskaagu ay soo guuraan wakhti dambe waxa laga heli karaa boggan websaydka ah
Muuji sida xiriirka qoyskaagu u egyahay - waxaad iskumar adigu la soo guuraysaa qoyskaaga
Markaad iskumar adigu ula soo guurto qoyskaaga Iswiidhan, Hey'adda cashuuraha waxay u baahan tahay inay diiwaangeliso xidhiidhka qoyskaaga xaaladaha qaarkood.
Seyga/ninka ama lammaane isku diiwaangashan
Seyga/ninka ama lammaane isku diiwaangashan
Marka aad la soo guurto qof aad isqabtaan ama aad isku diiwaangashan tihiin lamaane ahaan, waa in aad tustaa dukumeenti caddaynaya taas. Waxay noqon kartaa, tusaale ahaan, warqadda nikaaxa, oo laga soo saaray diiwaanka guurka ama buugga qoyska.
Haddii aanad haysan dukumeentiyadan, waxaa laga yaabaa inay ku habboon tahay inay Hey'adda canshuuruhu aragto go'aankaaga ku saabsan sharciga oggolaanshaha ee ka soo baxay Hey'adda laanta socdaalka, ama dukumeenti kale oo muujinaya xaaladdaada guurka.
Carruurta da'doodu ka yar tahay 18 sano
Carruurta da'doodu ka yar tahay 18 sano
Marka aad leedahay carruur ay da'doodu ka yar tahay 18 sano oo kula soo guuray, waa in aad tustaa cidda waalidka u ah iyo dadka haysra daryeelka iyo mas'uuliyada sharciga ah ee ilmaha.
Waxaad tusi kartaa dukumentiyo sida warqadda dhalashada, waraaqo laga soo saaray diiwaanka guurka ama buugga qoyska. Haddii uu jiro xukun maxkamadeed oo ah in qof la siiyey mas’uuliyada sharciga ah ama go'aanka inay labada waalid leeyihiin mas’uuliyada wadajir waa inaad sidoo kale taasna muujisaa.
Haddii aanad haysan dukumeentiyadan, waxaa laga yaabaa inay ku habboon tahay inay Hey'adda canshuuruhu aragto adiga iyo ilmaha go'aankiinii ku saabsanaa sharciga oggolaanshaha ee ka soo baxay Hey'adda laanta socdaalka, ama dukumeenti kale oo muujinaya kara xiriirkiina.
Ilmaha da'diisu ka yar tahay 18 jir, waa in la soo wargeliyo guuritaanka Iswiidhan oo si wadajir ah u sameeyaan dadka haysta mas’uuliyada sharciga ee ilmaha. Haddii mid ka mid ah mas'uuliyiintu aanu imaan karin xafiiska adeegga, waa inuu mas'uulka kale xaq u leeyahay inuu waiil ka noqdo ilmaha. Qofka mas’uulka ahi waxaa uu taas ku samayn kartaa, tusaale ahaan, isaga oo oggolaansho qoraal ah ka haysta mas'uulkii kale. Carruurta 16 jirka ahi waxay xaq u leeyihiin inay iyagu laftoodu soo gudbiyaan ogeysiis ku saabsan u soo guuritaanka Iswiidhan.
Hey'adda canshuuraha waxay u baahan tahay inay kula soo xiriirto
Haddii ay Hey’adda cashuuruhu u baahato macluumaad dheeraad ah, inta badan warqad ayaanu kuu soo diraynaa, laakiin waxaanu sidoo kale kugula soo xiriiri karnaa iimayl ahaan iyo telefoon.
Waa muhiim in magacaagu ku qoran yahay meesha boostada lagu soo diro, tusaale ahaan sanduuqaaga boostada. Haddii aanay Hey’adda cashuuruhu kula soo xiriiri karin, soo wargelinta guuritaanka Iswiidhan lama gudagelayo.
Taas macnaheedu waxa weeye in aan lagu diwaangelinayn oo aanad heli doonin tobankaaga lambarka (personnummer).
Codso kaarka aqoonsiga (id-kort)
Waxaad codsan kartaa kaarka aqoonsiga marka aad lagu diiwaangeliyo ee aad hesho tobankaaga lambarka (personnummer).
