Qofkii ka diiwangalsan dalka Iswiidhan oo buuxiyay 13 sano wuxuu ka dalban karaa kaarka aqoonsiga Hey’adda cashuuraha. Waa in aad isku xaqiijin kartaa qof ahaantaada, taas oo laga wado in aad caddeyn kartid qofka aad tahay. Qiimaha lagu dalbanaayo kaarka aqoonsiga waa 400 oo karoon.
Koow waa in aad bixisay lacagta aad ku dalbaneyso kaarka intaanan imaan mid ka mid xafiisyaha kaarka aqoonsiga dhiiba. Haddii aad 18 sano ka yar tahay waa in aad heeysatid ogolaanshaha qofka masuulka kaa ah si aad u heshid kaarka aqoonsiga. Haddii aad heeysatid labo qof oo mas’¨¨uul kaa ah waa in labadoodu ogolaanshaha dhiibaan.
Waxaad u isticmaaleeysaa kaarka aqoonsiga si aad u xaqiijisid sanadkaada
iyo si aad isu caddeeysid qofka aad tahay, tusaale ahaan markii aad daawo ka doonaneysid farmashiyaha, ama markii aad tukaanka lacagtaada kaarka ku baxsaneysid ama markii aad bangiga aadid.
Hey’ado badan, degmooyin iyo shirkado badan waxeey heystaan isticmaalka
howlaha elegtroniga oo shuruud u ah in aad shabakadda internetka iska
caddeysid. Sababtaas oo ah uu kaarka aqoonsiga u wataa caddeyn internetka oo aad u isticmaali kartid in aad isku caddeysid elegtronig ahaan iyo saxiixaada.
Uma isticmaali kartid kaarka aqoonsiga beddelka baasaboorka markii aad
wadamaha kale u safreeysid. Kaarku wuxuu shaqeeynayaa shan sano.
Sidaan baad u dalbaneeysaa kaarka aqoonsiga:
Qiimaha lagu dalbanaayo kaarka waa 400 oo karoon. Waa in aad waqti fiican
horey u bixisaa, si aan lacagta u helnay inta aadan imaanin xafiiska Hey’adda
cashuuraha. Waxaad xusuusnaataa in eey qaadaneyso ugu yaraan hal maalin oo maalmaha shaqada ah inta eey lacagta naga soo gaareyso. Meel dhigo rasiidka oo aad ku bixisay lacagta sababta oo ah waa in aad na tustaa markii aad timaadid xafiiska.
Waxaad lacagta ku bixisaa Bangigiiro 389-0100 (Swedbank).
Haddii aad internetka lacagta kaga bixisid: Xusuuso in aad ku qortid tobanka
lambar ee caddeyneeysa dhalashadaada meesha fariinta. Tusi rasiidka ama
warqadda caddeynta aad kala soo baxday internetka markii aad timaadid xafiiska.
Lacagta waxaa aad u bixineysaa in eey Hey’adda cashuuraha fiiriyaan codsigaada.
Micnaheedu waxaa weeye in aan lacagtaada laguu soo celin karin haddii eey
tijaabinta Hey’adda casshuuraha keento in oo laguu diido dalabkaada.
Si aad u codsatid waa in aad tagtaa mid ka mid xafiisyaha oo bixiya kaarka
aqoonsiga. Booqoshadaas aad na soo booqaneysid waa in aad wadataa waraaqad caddeynta oo aad ku bixisay lacagta aad ku dalbaneyso kaarka. Haddii aadan na tusi karin in aad lacagta horey u bixisay dalabkaaga ma’aan fiirin karno. Qofkii ka yar 18 sano waa in uu la’socdaa ugu yaraan hal qof oo mas’uul ka ah.
Xafiiska waxaad ku buuxisaa foomka oo elegtroonig ah oo aad ku dalbaneysid kaarka aqoonsiga. Warbixintaada waxaan ka baareynaa diiwaankeena. Marka uma baahnid warqadda caddaynta qofka.
Marka aad xafiiska timaadid waa in aad xaqiijisid qofka aad tahay. Siyaabo kala duwan baad arrintaas ku suubin kartaa: